XIKMADO KA HADLAYA GUUSHA IYO SIDII AAD U GAARI LAHEYD GUUSHA 2022

XIKMADO KA HADLAYA GUUSHA IYO SIDII AAD U GAARI LAHEYD GUUSHA 2022

 



XIKMADO KA HADLAYA GUUSHA IYO SIDII AAD U GAARI LAHEYD GUUSHA  2022

● Dhagaxa jawharta ah ma suurta galeyso inuu iftiimo iyadoo aan la sifeynin , Ma jiro qof guuleysan karo isagoo aan isu dayin

● ma waxaad dareemeysaa caro iyo daal , haddii ay taas dhacdo , naftaada u dhiib shaqo aad aaminsantahay , isugu geey awoodaada oo dhan iyo caqligaaga , dartiis u nooloow , dartiis diyaar ugu noqo inaad u geeriyooto , sidaas baad ku heleysaa farxadii aad fileysan inaadan heli doonin weligaa .

● wax kastoo ay suurta gal tahay inaad sameysid , ama aad ku riyooneysid inaad sameyn doontid , si dhaqsi ah u bilow . Geesinimada waxa ay caloosha ku sidataa cabqari nimo , Awood iyo sixir .

● kuwa guuleystay ragg iyo dumrba waa kuwa aadka u riyooda , waxay ku riyoodaan sida uu ahaan doono mustaqbalkooda , waxayna muujistaan wax kastoo door ah ee ku jira , waxayna maalin walba u shaqeeyaan si ay u gaari lahaayeen aragtidoodii fogeyd iyo sidii ay u xaqiijin lahaayeen hadafkooda iyo damacooda .

● Ma garan in badan oo ka mid ah kuwa ku fashilmay nolosha , inta jeer ee ay u dhawaadeen guusha markii ay ka quusanayeen sii wadida isku dayga .

● Adiga waxyaaba baa kuu muuqanaya , waxaadka iska dhahaysaa : “maxaa u sabab ah ?” Lkn aniga wax baan ku riyoonayaa aan weligood dhaboobin markaasaan leeyahay “ maxaa diidi kara inay ansaxaan”? .

● Waxa dhabta ah ee noo muuqanaya waa in qofka guuleystay uu yahay qofka si wanaagsan uga faa’ideestay waqtiga , halka ay dadka kale dayaceen waqtigooda .

● Gub dhamaan cuqdada dib ulaabashada , sidaa waxaad ugu noolaan doontaa xaalad dahabi ah oo loo yaqaan rajada macangag nimada guusha , taasoo khasab ka dhigta guul kasta .

● Waxa wanaagsan samee waligaa ; waxaana iska dhici karta inay dad badan kaaga caroodaan , oo uu dhaliyo cajabinta inay meeshooda iska jii joogaan . Oo ku dheganaadaan aragtidooda .

● Aniga waan fakeraa , oo fakarayaa sanado badan .. waxaana ku fekerayaa 99 xaaladood oo niyadeyda jabin karta , hase ahaatee waxaan guuleysan doonaa marka boqolaad .

● Sameey wax ka badan wax alle wixii aad ka baqeysid , sidaas waxaa kaaga hari doono baqdinta .

● Farqiga kaliya ee u dhaxeeya guusha iyo fashilka waa inuu guuleestuhu diyaar u yahay wax aanuu diyaar u ahayn guuldareestaha .

● Qofkii ka raray jabalka meesha uu yaalay isaga ayaa ah midka bilaabay rarida dhagxaanta yar yar .

● Dadaalka miro kama dhashaan ilaa uu ruuxa dadaalkaas wadaa uu ka diido inuu quusto .

● Qofka guuleestay waa midka ka faa’ideestay khaladaadkiisa , oo isku daya mar labaad inuu u dhaqaaqo qaabkii hore qaab ka duwan .

● Waa inaad u dhabeysaa hadafkaaga inuu ahaado mid ogol hir gelin , haddii taas si dhab ah u rumeysid wuxuu caqligaaga raadinayaa dhabe iyo qalab aad ku xaqiijisdi waxa dhab ahaan inuu jiro xal wadada uu xaarayo arintaas si ay u dhabowdo .

● Kan ugu hor cudurdaarta waa geesiga , kan ugu hor saamaxa waa kan awooda leh , kan ugu hor ilaaba waa midka faraxsan , ku dadaal marwalba inaad noqoto kuwa ugu horeeya .

● Ha daciifin , kac marwalbo aad dhacdo , nadiifi nabarkaaga inta uusan kuugu faafin , mar kale ku orod xoog buuxa sidii  adigoon weligaa hore u dhicin .

Post a Comment

1 Comments