WADOOYINKA LOO MARO GUUSHA

WADOOYINKA LOO MARO GUUSHA

WADOOYINKA LOO MARO GUUSHA

“Guushu waa riyo uu ku riyoodo qof walbo bi’aadam ah , waa waxa ay rajeynayaan iney mar un gaaraan , Arday , shaqaale , Dhaqtar , Injineer , Macalin iyo dhamaan qeybaha kale ee bulshada . Guusha la’aanteeda noloshu waxay ahaan laheed wax aan qiimo la heyn .
Si aad u gaarto guul waa inaad martaa wadooyinkaan aan hoos kugu xusayo:-

1 • HADAF: Marka aad sameysato hadafyo noloshaada waxay noqoneysaa mid dhadhan leh , tartan leh , oo farxad leh , dhacdooyin badana ay ka buuxaan oo ku dhiirigelisa . Cilmi baaris la sameeyay ayaa waxaa lagu ogaaday in dadka leh hadafyo isla markaasna u dagaalama hadafyadooda , ay ka farxad badan yihiin kuwa aan laheyn wax hadafyo ah .
 
 Inaad ogaato hadafyada iyo waxa aad rabto nolosha waa mid aad u fudud , marka aad ogaato waxa aadan rabin nolosha ee jeclaan laheen inaad bedesho .
Haddii aad tahay qof badanaa istarees iyo war-war badan waxaa dhaba inaad rabto inaad rabto inaad ku noolaato nolol bilaa istarees ah .

Albert Eistein wuxuu yiri : “ Haddii aad dooneyso inaad nolol farxad leh ku noolaato , noloshaada ku xir himilo iyo yool oo haku xirin shakhsiyaad iyo wax kale”.
 

2 • GO’AAN DHAB AH LA IMOOW: Dhamaan dadkii noloshaan guul ka gaaray waxa ay ahaayeen kuwa ku adag waxa ay rabaan kuna qanacsan fikirkooda nolosha . Xusuuso dhacdadii cajiibka ahayd ee Nabiga SCW marka lagu dhahay : iska dhaaf waxaan aad wadid aan ku siino waxaad rabto sida madaxtinimo , xoolo , haween qurxoon , markaa ayuu ugu jawaabay : “ Wallahi haddii dayaxa iyo cadceeda midba gacan la ii saaro in aanan ka tegayn waxa aan ku taaganahay .

3 • RUMEYN: Awoodaada waa waxa aad aaminsantahay .
Haddii aad aaminsantahay in aad himiladaada gaari karto waa runtaa oo waad gaari kartaa . Haddii aad aaminsantahay in aadan gaarin karin waa runtaa oo ma gaari kartid . Sababta oo ah labadaba adi ayaa is xukmiyay . Waxaad aamintaa inaad sameyn karto .

4 • LA IMOOW QORSHE NIDAAMSAN OO QORAN : Marka aad rabtid inaad sameyso howl , waxaa muhiim ah in aad qorsheysatid sida aad usameyn lahayd iyo waqtiga aad ku sameyn lahayd hawshaada . Warqad ku dulqor , dhamaan qorshahaaga si nidaamsan . Tusaale : Haddii uu yahay waxa aad dooneyso , in aad 10 sano gudahood ku gaarto .
• Qor qorshaha 10 sano ee soo socda ee aad ku gaareyso halka aad dooneyso .
• kadibna ku xeji 5 sano ee soo socta waxa aad dooneyso inaad xaqiijiso ee u adeegaya hadafkaaga guud .
• Kadibna qor qorshahaaga sanadlaha ah , kadibna midka lix bilood , ilaa aad kasoo gaarto saacada aad hadda joogto iyo waxa ay tahay inaad qabato ee kuu sii dhaweynayo hadafkaaga fog .
Daraasaad aad u fara badan baa waxa tilmaamayaan wixii aan la qorin ee aan la qorsheyn in aanan inta badan qofka u qabsoomin .

5• LA IMOOW FICIL: waxa kaliya ee u dhaxeeya hadafkaaga iyo in uu rumoobo waa in aad ficil la timaadaa hadaf aan ficil lahayn waa geed aanan waxba soo saaraynin .
Marna ha sugin in ay kuu timaado guusha , haddii aadan dhaqaaq la imaanin . Marka aan dadaalno ayaa ilaahay inoo fududeeyaa waxaan ku dadaalnay .


6 • ADKEYSI IYO SABAR BADAN: ma jiro qof hal maalin ku gaaray nolosha uu gaaray , laakiin qof kasta wuxuu huray wakhti dheer isaga oo muujiyay samir iyo dulqaad xad dhaaf ah . Guusha waxay u baahantahay adkeysi badan . Adkeysiga waa in aadan waxba u ogolaan inay kaa hor istaagaan waxaad dooneyso inaad qabato marka aad bilowdo ilaa ay noqoto wax xaqiiq ah .

7 • IS KAASHI: Dadka guuleystay waxa ay si fiican u kaashadaan oo ula tashadaan dadka ku xeeran sida , Xaasaskooda , saaxiibadooda iyo dadka ay hiigsanayaan .


8 • HA KA CABSAN GUULDARO: Guuldarada waa casharka ugu muhiimsan ee lagu barto wadada loo maro guusha , sababta oo ah marka aad guuldareysato waxaad baraneysaa khaladkii aad ku guuldareysatay , kadibna qorshe cusub ayaad la imaaneysaa taa oo guul ku gaarsiineysa . Guuldarrada ayaa ku baraysa wadada aad ku guuleysan lahayd . Guuldarrada ma aha inaad kuftid , balse waa in aad diidid in aad kor u kacdid .
Henry ford , wuxuu noloshiisa ka bilaaway meeel hoosaysa in ka badan shan mar wuxuu sheegay in uu guuldareystay .
Dadaal iyo isaga oo aan is dhiibin ayuu ku gaaray inuu yeesho shirkadda gawaarida ugu fiican aduunka ee FORD , soona saarta malaayiin baabuur sanad kasta . Wuxuuna guuldarrada ka dhahay : “Guuldarradu waa keliyaata fursad labaad si aad mar labaad u bilowdid , balse markaan xariiftinimo dheeraad ah ayaa lagaa rabaa .”
 “ sababta aad ugu raaxeysan weyday noloshaada waa natiijada ka dhalatay qaabka liita ee aad u isticmaalayso waxyaabaha uu illaahay kuugu deeqay .”


Isagoo muuqaal ah ka daawo Youtube channalkeena 👇👇👇👇👇👇👇


Post a Comment

0 Comments