SIDA UGU FUDUD EE AAD CAAJISKA UGU TAKHALUSI KARTO

SIDA UGU FUDUD EE AAD CAAJISKA UGU TAKHALUSI KARTO

 

SIDA UGU FUDU EE AAD CAAJISKA UGU TAKHALUSI KARTO

Marar badan waxaa dareentaa caajis oo aadan kasoo kici karin sariirtada si aad arrimahaaga qaaska ah u qabsato .
ma ahan inaad isdhiibto oo aad dhahdo caajiskaan kama takhalusi karo oo xal waan u waayay , haddii aad raacdo waxyaabaha aan ku sheegi doono naftaadana aad si wacan ugu dabaqdo waxa

an kuu ballan qaadayaa inaad ka takhaluseyso caajis oo dhan .



Marka ugu horeyso waa inaad ogaato iney dabiici tahay inaadan subixii hore ka kici karin sariirtaada oo aad caajis fara badan dareemeyso , aadna awoodin inaad aado shaqada , iskuulka , jaamacada , iyo waxwalbo dan kuu ah inaad ka habsaanto .

DAAWADA CAAJISKA  .
Inkastoo caajiska aynu aad ugu dhibanahay , haddana waxaa lagama maarmaan ah inaan xal u helno caajiska faraha badan ee noo diiday inaan danaheena kacno  , Haddaba raac qodobadaan si aad xal ugu hesho caajiska facaaga kaa reebay :-

• NAFTAADA LA SHEEKEYSO
Wadadaan 100% wey ku caawineysaa  naftaada marwalbo ku dheh ereyo dhiirigelin leh , sida " Dabcan waad gaari kartaa yoolkaaga " Wax walba waad sameyn kartaa " Ereyada waxay naftaada siineysaa dhiirigelin waxayna kugu riixeysaa inaad dantaada u kacdo sidaana aad caajiska u macsalaameyso , waayo qof yeel hiigsanayo ayaad tahay .

• DIB UDHIGID
Iska ilaali oo ka fogoon dib udhigida arrin aad maanta qaban karto , ama wax aad awoodo inaad sameyso isla waqtigaa aad joogto ,  Haddii uu Alle caafimaad ku siiyay waqtina heysato howl kuu taalo dib hau dhigan , Waayo dib u dhigida waa nooc ka mid ah caajiska , Mana ka takhalusi kartid caajiska adigoo howl maalmeedkaaga dib udhigayo , waana ogahay raaxo ma dareemeysid markaad dib u dhigida caadeysato marwalbaba gudahaaga waxaa kasoo baxayo cod ku dhahayo " Howl ayaa kuu taag , Waxba ma qabsan maanta " . Howsha maanta beri dib hau dhigan .

• SAMEEY JIMICSI
Jimicsiga wuxuu kaalin weyn ka qaataa firfircoonida maalintaada , Sidoo kale wuxuu ku siinayaa awood aad u sareysa oo maalintaa dhan ku shaqeyn karto .
Mar hadaad caadeysato jimicsi waxaad is deyneysaan caajiska faraha badan oo aad dantaada ka gaari la'adahay .


• HAL SHEEY QABO
Waxaa laga yaabaa iney howlo badan kuu yaalaan , Sida inaad shaqo aado , wax Akhrisato , jimicsi sameyso , marka howlahaan badan ee kuu yaala waxa kaa dhigayaan inaad caajisto kana fekerto sideen waxaan oo dhan u qabtaa ugu danbeyna uu gabalka kuu dhaco adigoo xitaa hal sheey qaban , si aad midaa ugu gudubto , haday howlo badan kuu yaalaan marka ugu horeyso qabo howsho kugu muhiimsan marka aad iyada kasoo baxdo ama aad dhameyso qabo howsha kale aad isleedahay waa kuu muhiim inaad maanta qabato , sidaa kuwad ilaa aad ka dhameyso dhamaan howlahaaga adigoon wax caajis ah dareemin sidaana aad ugu hortagto caajiskii howlahaan kaa hor istaagi lahaa .

• HA ILOOBIN CAWAAQIBTA
Ka feker cawaaqib xumada aad la kulmi karto haddii aad caado ka dhigato caajiska , iyo haddii aad gudan weydo howshii laguu idmaday , ka fekerida cawaaqibyada waxay ku siin dhiirigelin aad ugu takhalusi karto caajiska noloshaada burburiyay , iyo inaad u kacdo howl maalmeedkaaga .

Ugu danbeyn caajisku waa xaasidka noloshaada wuxuuna kuu horseedaa burbur aadan weligaa kasoo kaban karin marka

Post a Comment

0 Comments