XIKMADO KU SAABSAN GUUSHA

XIKMADO KU SAABSAN GUUSHA

 


Guushu ma lahan waqti xadidan oo ay ku egtahay , Guuldaraduna ma ahn mid joogta ah .

Guusha waxaa iska leh kuwa xirtay dharka geesi nimada si ay wax u sameeyaan , waxaase naadir ah iney guusha noqoto saami ay yeeshaan fulay yaasha ka baqa caaqibada guuldarada .

Waan jecleestaa marka aan maqlo dadka oo i dhahaya : " Arrintaas lama xaqiijin karo " sababta oo ah wax badan baan soo joogay oo ay dadku idhihi jireen weligaa guuleysan meysid .

Yoolka iyo meesha aad hiigsaneysid ee adiga aad diyaarsatay waxa uu kuu saamaxayaa inaad maamushid jihada noloshaada si aad dhanka dantaada ugu weecisid .

Qofka guuleystay iyo qofka guuldareystay wax farqi ah oo u dhaxeeya oo dhanka awooda ama aqoonta ma jiraan , ee farqiga u dhaxeeya waa doonista oo kaliya.

Kuwa guuleystay waxay had iyo jeer raadiyaan fursahada ay dadka kle ku caawin lahaayeen ... halka kuwa guuldarada u qorantahay ay marka hore is weydiyaan : ( Maxaan ka faa'idayaa garab siinta dadka kle ) .

Guusha waxaa gaara qofkii isku daya oo joogteeya isaga oo maraya wado ogolaansho ah oo aan shaki laheyn .

Kuwa niyeysanaya iney meel fog aadaan , ayaa ah kuwa fahmi kara meesha ugu fog ee ay suurta galka tahay in la gaaro

Dhiirigelinta iyada ayaa ah tan kuu ogolaaneysa inaad howl bilowdid - Caadaduna waa tan kuu saamaxeyso inaad howshaas sii joogteysid .

Waa wax muhiim ah in loo damaashaado guusha ... laakiin waxaa ka muhiimsan dersiga laga faa'ideysto guuldarada .


Post a Comment

0 Comments