XIKMADO GUUSHA
• Ruuxii mara wadada dadka badankiisa ay marayaan ,
magaarayo meel ka sareyso meeshii ay gaareen kooxahaas uu la jaan qaaday …
Laakiin qofkii kaligiisa socdaa wuxuu gaarayaa shaki la’aan meel aan cid isaga
la mid ahi gaarin .
• Si aad bulshada dhexdeeda ugu sameysatid sumcad
wanaagsan waxay kugu qaadaneysaa labaatan sano … in sumcadaasi aad weysana
waxay ku kaceysaa muddo aan badneyn shan daqiiqo … Haddii aad mowduucaan u
fiirsatid wuxuu keeni karaa inuu waxyaaba badan kuugu muujiyo si yaaba kala
duwan .
• Geesiyaasha laguma diyaariyo goobaha tababarka …
Ee waxay ka abuurmaan waxyaabo gunta hoose iyaga kaga jiro … waana Doonista , Gaarista
Iyo Aragtida .
• Waxa aad si xoogan maskaxda ugu rajeysid oo aad
ku dalbeysid awoodaada oo dhan dhabna aad u rumeysantahay , kuna howlantahay
fulintooda adiga oo niyad u haya , waa shaki la’aan inuu arrinkaasi hirgalayo .
• Ka mira dhali ugu yaraan dhakhligaaga boqolkiiba
sadex … si aad naftaada ugu hormarisid si aad nafsadaada damaanad ugu heshid mustaqbalka
.
• Ka fogoow dadka himada yar ee kugu kalifaya inuu
yaraado hanqal taagaaga ; sababtoo ah dadka waaweyn baa kaa dhigi kara mid
dareemaya inuu awoodo inuu ka gaaro heer sare damaciisa
• Qofkasta oo inaga mid ah waxa uu doonayo si uu u helo
waa inuu lacag ku bixiyaa , lacagtuna sida caadada ahi waa shaqada oo lagu
qabto Dulqaad , Jaceyl iyo Naf-hurid .
• Si aad u noqotid mid gaara guusha , waa inaad si
wacan uga fiirsataa waxa aad dooneysid inaad ku guuleysatid , kadibna aad ku bixisaa
lacagta uu mudanyahay in lagu bixiyp si aad u heshid waxa aad dooneysid .
• Suurtagal ma ahn inaad niyad jebisid ruux aan
waligiis quusaneynin.
0 Comments