SIIGEYSIGA

SIIGEYSIGA

 SIDA KALIYA EE AAD SIIGADA ISAGA DEYN KARTO 



Siigeysigu waa inuu qofka isticmaalo gacantiisa isagoo biyaha shahwada ah ee uu alle ku abuuray sidaa isaga keenayo
Weyna u simanyihiin Ragg iyo Dumar , inkastoo ay ubadanyihiin Ragga .

Qofka qabatima siigeysigu ama caada ka dhigta waxaa soo food saaraya dhibaatooyin badan oo mustaqbalkiisa danbe bur burinayo , midaa oo xitaa saameen ku lahaan doonta markuu guursado ama guursato .

Marka sida aad midaa ugu bad baado godkaa madowna aadan ugu dhicin , mustaqbalkaagana uusan bur burin .
Sameey arrimahaan soo socda insha allah maanta kadib dhib kuma qabi doonto caadada xun ee siigeysigu ah .

1- DUCEYSO .
Wax badan Alle bari oo ku duceyso inuu alle kaa madooweeyo caadadaan xun , niyadaadana khaalis ka dhig oo si qashuucsan Alle u bari , insha allah Alle wuu kaa madoobeyn doonaa

2- MASHQUUL ISKA DHIG
Noloshaada u yeel jadwal aad ku socoto maalintaada oo dhan , oo naftaada ha'u ogolaan iney iska ciyaarto ama maalintaa dhan madadaalato waayo midaa waxay kugu sababi kartaa inaad caadadaan xun ku dhacdo , Waxbarasho aad , Shaqo aad Sameey waxwalbo noloshaada hormar u ah ilaa laga gaaro habeenkii xiliga aad seexaneyso .

Firaaqadu waxay noloshaada u horseedaa iney ku dhacdo waxyaabo xun xun oo aan Alle raali geliney , noloshaada marnaba ha'u ogolaan firaaqo xitaa haddii aadan waxba heyn iska bax ee iska soo wareeg  ama asxaabtaada waqti lasoo qaado lkn naftaada ha'u ogolaan firaaqado si aad noloshaada ugu badbaadiso waxyaaba xun.

3- GO'AAN ADAG QAADO
In badan waxaa dhacda inaad go'aan qaadato oo aad dhahdo bis waye maanta ayaa iigu danbeysa hadana maalin ama laba maalin kadib is aragto adigoo wixii ku dhexjira oo arrinkii aad go'aanka ka qaadatay sameynaya .
Go'aan adag la imoow oo naftaada usheeg waxaan ineysan Aduun iyo Aakhiro kuu fiicneen ayna tahay bur burka noloshaada oo dhan , Go'aanku waa u muhiim naftaada haddii aadan Go'aan laheyn noloshaada meel kama soo saari kartid , dhibaatooyinka ku heystana weligood wey ku heysan doonaan .

4- SABAR
Siigeysigu wuxuu ka mid yahay waxyaabaha uu qofku qabatimo macquulna ma ahan inuu kaga taqaluso maalin ama labo , ee waxaa waajib ah inuu sabro uuna sugo ilaa uu arrinka ka noqonayo mid dabiici ah , Iskana ilaali inaad quusato oo aad dhahdo ma dhaafi karo waxaan waayo waan bartay , midaa waxaa kaaga sheekeyneysa naftaada oo iyada ayaa rabta inaad xaaladaan isaga jirto lkn sida aan horey kuugu soo sheegayba Go'aan adag qaado .

5- SOON
Rasuulkeena SCW wuxuu dhahay " Qofkii Awooda ha guursado , Qofkii aan guur Awoodina ha soomo .
Soonku wuxuu kaa caawinayaa inaad iska deyso caadadaan xun waayo markaad soomantahay waxna ma cuneyso waxna ma cabeyso sidaana waxaa ku yaraanayo damacaaga iyo shahwadaada macquulna ma ahn inuu dareen siyaada ah ku qabto .

6- GUURSO
Waxaan isleeyahay Guurku waa xalka ugu fiican ee aad ugu takhalusi karto siigeysiga , waayo mar haddii aad guursato ma'u maleynayo inaad siigo iyo wax la mid ah aad hamineyso waayo waxaad heysataa qof xalaal kuu ah oo aad xaajadaada ku gudato .

Haddii aad sameyso waxyaabahaa aan kor kusoo xusay waxaad si dhaqsi leh ugu takhalusi doontaa Siigeysigu .

Qofwalbo caadadaan xun qabatimay waxaan Alle ugu baryayaa inuu ka madoobeeyo uuna ugu badalo Zawjad ama Zawj xalaal u ah .


Post a Comment

0 Comments