XIKMADO
KA HADLAYA GUUSHA IYO SIDII AAD U GAARI LAHEYD GUUSHA 2022
● Dhagaxa
jawharta ah ma suurta galeyso inuu iftiimo iyadoo aan la sifeynin , Ma jiro qof
guuleysan karo isagoo aan isu dayin
● ma waxaad
dareemeysaa caro iyo daal , haddii ay taas dhacdo , naftaada u dhiib shaqo aad
aaminsantahay , isugu geey awoodaada oo dhan iyo caqligaaga , dartiis u nooloow
, dartiis diyaar ugu noqo inaad u geeriyooto , sidaas baad ku heleysaa farxadii
aad fileysan inaadan heli doonin weligaa .
● wax
kastoo ay suurta gal tahay inaad sameysid , ama aad ku riyooneysid inaad sameyn
doontid , si dhaqsi ah u bilow . Geesinimada waxa ay caloosha ku sidataa
cabqari nimo , Awood iyo sixir .
● kuwa
guuleystay ragg iyo dumrba waa kuwa aadka u riyooda , waxay ku riyoodaan sida
uu ahaan doono mustaqbalkooda , waxayna muujistaan wax kastoo door ah ee ku
jira , waxayna maalin walba u shaqeeyaan si ay u gaari lahaayeen aragtidoodii
fogeyd iyo sidii ay u xaqiijin lahaayeen hadafkooda iyo damacooda .
● Ma garan in
badan oo ka mid ah kuwa ku fashilmay nolosha , inta jeer ee ay u dhawaadeen guusha
markii ay ka quusanayeen sii wadida isku dayga .
● Adiga
waxyaaba baa kuu muuqanaya , waxaadka iska dhahaysaa : “maxaa u sabab ah ?” Lkn
aniga wax baan ku riyoonayaa aan weligood dhaboobin markaasaan leeyahay “ maxaa
diidi kara inay ansaxaan”? .
● Waxa
dhabta ah ee noo muuqanaya waa in qofka guuleystay uu yahay qofka si wanaagsan
uga faa’ideestay waqtiga , halka ay dadka kale dayaceen waqtigooda .
● Gub
dhamaan cuqdada dib ulaabashada , sidaa waxaad ugu noolaan doontaa xaalad
dahabi ah oo loo yaqaan rajada macangag nimada guusha , taasoo khasab ka dhigta
guul kasta .
● Waxa
wanaagsan samee waligaa ; waxaana iska dhici karta inay dad badan kaaga caroodaan
, oo uu dhaliyo cajabinta inay meeshooda iska jii joogaan . Oo ku dheganaadaan
aragtidooda .
● Aniga waan
fakeraa , oo fakarayaa sanado badan .. waxaana ku fekerayaa 99 xaaladood oo
niyadeyda jabin karta , hase ahaatee waxaan guuleysan doonaa marka boqolaad .
● Sameey
wax ka badan wax alle wixii aad ka baqeysid , sidaas waxaa kaaga hari doono
baqdinta .
● Farqiga
kaliya ee u dhaxeeya guusha iyo fashilka waa inuu guuleestuhu diyaar u yahay
wax aanuu diyaar u ahayn guuldareestaha .
● Qofkii ka
raray jabalka meesha uu yaalay isaga ayaa ah midka bilaabay rarida dhagxaanta
yar yar .
● Dadaalka
miro kama dhashaan ilaa uu ruuxa dadaalkaas wadaa uu ka diido inuu quusto .
● Qofka
guuleestay waa midka ka faa’ideestay khaladaadkiisa , oo isku daya mar labaad
inuu u dhaqaaqo qaabkii hore qaab ka duwan .
● Waa inaad
u dhabeysaa hadafkaaga inuu ahaado mid ogol hir gelin , haddii taas si dhab ah
u rumeysid wuxuu caqligaaga raadinayaa dhabe iyo qalab aad ku xaqiijisdi waxa
dhab ahaan inuu jiro xal wadada uu xaarayo arintaas si ay u dhabowdo .
● Kan ugu
hor cudurdaarta waa geesiga , kan ugu hor saamaxa waa kan awooda leh , kan ugu
hor ilaaba waa midka faraxsan , ku dadaal marwalba inaad noqoto kuwa ugu
horeeya .
● Ha
daciifin , kac marwalbo aad dhacdo , nadiifi nabarkaaga inta uusan kuugu faafin
, mar kale ku orod xoog buuxa sidii adigoon weligaa hore u dhicin .
1 Comments
Mshalh ugaas keep up ❤✊👏
ReplyDelete