XIKMADO KU SAABSAN GUUSHA [2]

XIKMADO KU SAABSAN GUUSHA [2]

 

XIKMADO KU SAABSAN GUUSHA [2]

• Kuwa guuleysta waxay had iyo jeer raadiyaan fursadaha ay dadka kale ku caawin lahaayeen , Halka kuwa ay guuldarada u qorantahay ay marka hore is weydiyaan : ( Maxaan ka faa’iidayaa garab siinta dadka kale .) .

• Muhiim ma ahan inaad is weydiisaa halka aad ka timid , Ee waxaa muhiim ah inaad is weydiisaa adiga halkee baad u socotaa hadda ? 

• Guusha waxaa gaara qofkii isku daya oo joogteeya isku dayga , isaga oo maraya wado ogolaansha ah oo aan shaki laheyn .

• Qof kasta oo guuleystay nolosha oo aan la kulmay , wuxuy igu yiri isla weertaan ( Waxaan nolosheyda u bedelay meel roon xiligii aan bilaaway inaan ku kalsoonaado awoodeyda iyo nafsadeyda ).

• Aniga kuma qiyaasayo guusha ragga heerka ay ka gaaraan ku taxoobsiga buurta , ee waxaan ku qiyaasaa qadarka uu sare u soo kacayo marka uu gaaro gunta hoose .

• Ka guuleysiga khataraha u muuqda kuwa ka baxsan awoodaada maanta taagan ayaa ah tan kuu suurta gelineyso inaad talaab u qaadid dhanka xidigaha sare.

• Hal talaabo oo loo qaaday doorshada hadaf la hiigsanayo iyo in la joogteeyo fulintiisa ayaa ah midka wax walba bedeli kara .

• Heerka talaabooyinka aad qaaday waxaad ku qiyaasan kartaa tirooyinka caqabadaha ku hor yaalay ee aad soo xallisay , si aad ugu gudubtid xaqiijinta hadafkaaga .

• Si aad u guuleysatid, waa inaad marka hore fashilantaa si aad u gaartid waxa ay waajibka tahay inaadan sameynin mar kale .

• Dhiirigelinta iyada ayaa ah tan kuu ogolaaneyso inaad howl bilowdid , caadaduna waa tan kuu saamaxeyso inaad howshaas sii joogteysid .

• Kuwa niyeesanaya iney meel fog aadaan , ayaa ah kuwa fahmi kara meesha ugu fog ee ay suurta galka tahay in la gaaro .

• Waa wax muhiim ah in loo damaashaado guusha , laakiin waxaa ka muhiimsan dersiga laga faa’iideesto guuldarada .

• Barta wax alle waxaad dooneysaan inaad barataan , ma heleysaan ajar ilaa aad ugu dhaqantaan wixii aad barateen .

• Ma arkeysid nin heesto waqti ku filan oo uu ku barto wax alla waxa uu u baahanyahay barashadooda si bilaash ah . Si aan u ahaano kuwa ku guuleesto nolosha , waa inaan helnaa shakhsiyaad wax barashada ka soo bilaabay eber , si ay noogu caawiyaan xaqiijinta hadafkeena .

• si kastoo ay u yartahay , waa inaad guusha u qirtaa maqaankeeda .

• Qof aan weligiis gefin , weligiis wax cusub ma tijaabinin .

• Qofka xariifkavah waaa qofka sameeyo waxa ugu wanaagsan ee uu awoodi karo , isaga oo aan dareensaneyn taas .

• Muhiim ma ahan heerka heerka aqoonta aad ka gaartid , oo baahi uma qabtid wax badan inaad taqaanid , mar haddii aad taqaanid xiliga ay kuu baahantahay inaad hadashid , iyo xilliga ay haboontahay inaad aamustid ; fursadaha guushaada waa ay sii kordhayaan .

• Si loo gaaro guusha waxa kaliya ee loo baahanyahay in la helaa , waa kal adeeg iyo joogteyn ; taasi waxay jiiri kartaa dhamaan caqabad kasta ee kaa hor timaado , xataa xeerarka dabeecadda .

• Mashaakil kasta oo aad ka baqeysid waa fursad weyn ... qisooyinka guusha kuwa ugu waaweyn waxaa buuga ku xariiqay dad gartay fursadda ku hoos duugan mashaakillada , kadibna u bedelay guul .

• Guusha ugu weyn waxay timaada kuftin badan kadib .

• Si aad u kafaala qaadid guushaada .u dhaqan sidii iyadoo uu fashilku yahay wax mustaxiil ah oo aan dhicu karin .

• Sida caadada ah waxay guushu ka dhalataa simbiririxasha u socoto dhanka saxda ah. 

• Waad awoodaa inaad sameysid mar haddii aad aamintid inaad awoodid taas .

• Waa inaad sameysa waxa ugu badan ee aad maleyneysid inaad awoodeysid sameyntiisa .

Post a Comment

0 Comments