XIKMADO GUUSHA IYO NOLOSHA KU SAABSAN 2022

XIKMADO GUUSHA IYO NOLOSHA KU SAABSAN 2022

 


XIKMADO GUUSHA IYO NOLOSHA KU SAABSAN 2022

Waa inaad sameysaa waxa ugu badan ee aad maleyneysid inaad awoodeysid sameyntiisa .

Ku cel celinta hubsiga waxa ay noo hogaaminaysaa rumeynta. Rumeyntuna waxa ay isu rogeysaa aaminaad asal ay , ilaa aad ka bilowdid wax dhaboobayo .

Haddii aadan bada gelin waxa aad dooneysid , waligaa hanan meysid , haddii aadan cidna wax weydiininna jawaabtu waa maya markasta ... Haddii aadan horey u talaabsan , weligaa waxaad taagnaaneysaa meeshaads .

Kuwa riyooda maalintii iyaga ayaa ah kuwa garanaaya wax badan , adiguse waxaad riyootaa oo kaliya habeenkii .

furaha farxadda waa inaan riyoonnaa ... furaha guushana waa inaan riyooyinkaas ka dhignaa kuwa dhaqan gala .

Noloshu waa fursado lagu xalliyo mashaakilaadla oo kaliya ... mashaakillada kusoo wajahayana waa laba xaaladood :- iney ku jabiyaan , ama inay horu mariyaan awoodahaaga , taasina waxaa loo aaneyn karaa oo kaliya hadba sidii aad ku qaabishid mushkiadaha .

Rag kasta oo xaqiijiya arimo waaweyn , waxay ahaayeen kuwa lahaa sadaal weyn .

Ha diidin waligaa fashilka , ee diirada saar si aad uga gun gaartid duruustiisa qarsoon .

Waa dhab , ma suurta galayso inaad xakamaysid waxa kugu dhici doono , laakiin waxaad awoodaa inaad xakameysid qaabka aad ula macaamileydif wixii kugu dhacay , sidaas baadna ku xakameyn doontaa si bedelka , ee ma ahan inaad u ogolaatid inuu isaga ku maamulo .

Haddii aanad diyaar u ahayn inaad shaqadaada ka sara marisid heerka caadiga ah ; adiga ma mudnid inaad ka shaqa gashid meel kasta oo sareyso .

Haddii aad himad dhab ah u heysid gaaritaanka guusha , waxaad gaartay guusha barkeed , laakiin haddii aadan rajadaas ka dhabeynin , waxaad gaartay oo aad heshay fashalka barkiis .

Waxaa hungoobay damacaaga marka aad fashilantid . Laakiin wuu ku argagixinayaa haddii aadan isku dayin .

Waqtiga ha isaga lumin rajeyn wax soo socda , waqtiga munaasabka meesha aad taagantahay kuguma yimaado weligiis ... Isticmaal wixii aad heli kartid ee qalab ah , markastoo aad wadada cagta saartid , waxaad heli doontaa qalab kale oo munaasab kuu ah , oo kaaga door roon wixii aad horay u heysatay markii aad howsha bilaabeysay.

farqiga u dhaxeeya midka guuleystay iyo midka guul dareystay ma ahan awooda ku jirta jirkooda ama maskaxdooda kala sareyn teeda , ee waa kala duwanaanshaha ku jirta maankooda . Oo lagu hiigsan karo waxa la doonayo maqaamkooda ugu sareeya .

Guusha waa wax caadi ah oo la sameyn karo , kuwaas oo loo sameeyo hab aan caadi ahayn .

Si aad u guuleysatid waa inaad howshaada ku gashaa jaceyl ... Haddii aadan jecleyn shaqada waxa aad qabaneyso haka sugin guul .

Guusha macnaheeda waa inaad heshaa wixii aad dooneysay ... Farxadda macnaheeduna waa inaad jeclaataa wixii aad kasbatay .

Aad bey u sahlantahay inaad meel fariisatid oo aad eegtid waxa soconaya ... Waxaase aad u adag inaad dhaqaaqdid kadibna wax u qabatid sidii ay kugu muuqdeen .

Qiyaasta runta ah ee miisaanka guusha waa inaad is bar bar dhigtaa wixii aad bixineysid iyo wixii suurta gal ay tahay inaad qabatid .

Guushu waxay u baahantahay inaad heshid toban qodob oo dadaal ah , si ay usoo saarto hal qodob oo guul ah , xamaasadaada shakhsiyeed ayaa ah tan soo saari karta toban qodob oo natiijada guusha ah marka lagu biiriyo hal qodob oo dadaal ah .

Wadada guusha waxay u jiheysan tahay dhanka sare .

Haddii aad aragtid gacansi guuleestay , halkaas waxaa jooga qof qaatay gu’aan geesi nimo ah .

Aniga waxaan u soconayaa si aayar ah , laakiin gadaal u laaban maayo .

Haku riyoon waxyaabo iska basiid ah , taasi ma dhaqaajineyso moraalka ragga .

 

 

 

Post a Comment

0 Comments