SIDEE YOUTUBE LACAG LOOGA SAMEEYAA 2023
atOptions = {
'key' : 'c9a44c14435b6ed8dec54285205e06bf',
'format' : 'iframe',
'height' : 250,
'width' : 300,
'params' : {}
};
document.write('
Si aad Youtube
lacag ugu sameyso waxaa lagaaga baahanyahay shuruudo iska kooban oo haddii aad
kasoo baxdo aad Youtubeka bil walbo lacago waali ah aad ka sameyn doonto .
Waxa ugu
horeeya ee lagaa rabo waxay tahay inaad leedahay Youtube channal , qof walbana
wuu yaqaanaa Youtube channal , waa inaad gmail sameysato gmailkaana aad ku
xerto Youtubeka sidaa ayaadba ku leedahay Youtube oo howl sidaa u weyn kaama
rabo . Kadib channalkaaga ayaad magac u sameyn san doontaa , magacana waa inuu
ahaadaa mid aan horey loo baxsan sidoo kalena ah magac gaaban si dadku ay si
fudud ugu qabtaan , kadibna waxaad saaran doontaa logo ama astaan qaas kuu ah ,
sidaa ayaadba Youtube channal ku sameysatay waa intaa un , haddii aadan fahmin
sida Youtube channal loo sameeyo waxaad ka daawan kartaa Youtubeka oo muuqaalo
badan lagu sharxayo ayaad halkaas ka heli kartaa.
Tilaabada xigta
ee lagaaga baahanyahay waxay tahay inaad doorato mawduuc qaas kuu ah ama lagu
yaryahay , midaa waxay kaa caawin doontaa inaad hesho dad badan oo channalkaaga
ku soo xirma aadna kuu daawada waayo waxaad soo gelisay wax qaas kuu ah dadkana
ku cusub .
Waxa aad soo
gelineyso waxaad ku soo geli kartaa adigoo weligaaga la arkaya oo camerada soo
hor fadhiisanaya ama adigoo aan lagu arkeyn oo codkaaga un soo gudbinayo ,
labadaaba waad samen Kartaa . Muhiimadaa
waxay tahay inaad soo geliso wax dadka xiiso gelinaya adiguna aadan ku danbi baabeyn
.
Markaad intaa sameyso oo Youtube channalka sameysatay , mawduuc dooratay , muuqaalo aad channalkaaga soo gelisay. %80 waxaad u dhawaatay inaad Youtube lacag ka sameyso , kaliya waxaa ku hortaagan laba shardi oo ah labada ugu darran oo haddii aad ka gudubto Youtube lacagtaada ka qaadan doonto bil walba .
Maxay yihiin labada shuruud ee kuu sahlaya inaad Youtube lacag ka sameyso :-
1:
1000 Subscribe :- waa inuu
channalkaaga gaaraa 1000 subscribe 12bill ugu danbeysay .
2:
4000 watch hour :- waa inuu
channalkaaga helaa 4000 watch hours , 4000 watch hours ma ahan viewska caadiga
ah ee waa in lagu daawado 240,000 oo
daqiiqado 12bill ugu danbeysay .
F.G : waajib ma ahn in labaduba aad ku hesho
12 bil gudahood , ka badan wey qaadan kartaa waa caadi , lkn haddii aad
dadaasho 12 bil wax ka yar ayaad ku heli kartaa .
Haddii aad intaa kasoo baxdo waxaad dalban
kartaa xayeesiinta Youtubeka oo ay micnaheedu tahay inaad channalkaaga bil
walba lacag ka sameyn karto .
Sirta
Youtubekana waa joogteyn iyo samir.
0 Comments