SHANTA
LUQADOOD EE JACEYLKA
Marka ugy
horreysa ee aad qof kulantaan iyo saadaasha hore ee aad ku ogaan karto in aad
isku haboon tihiin qofka iyo suurtagalnimada uu xiriirkaasi ku sii jiri karo ,
waa in aad barataa daqriiqyadda lagu gudbiyo jaceylka ee labada qof ka dhaxeeya
.
Waxaa
jiro buug uu qoray Dr Gary Chaman oo lagu magacaabo shanta luqadood ee jacaylka
“ the five love languages” oo uu qoraaga ku qeexaya in ay jirto 5 luqadood oo
lagu soo bandhigo jaceylka qof weliba uu u kala hormariyo sida isaga gaarka u
ah . Inaad ogaato luqadaas waxay abuuri kartaa isfahan wanaagsan , haddii
kanaalladaas labada qof ay isku aadaan ama ay isla ogaadaan waxaa fududaaneyso
in ay jaceylkooda dhab ahaantiisa ay isla dareemaan.
SHANTA
LUQADOOD EE JACEYLKA LAGU GARTO WAA :-
1:
Ereyga xaqiijinta ( Word Affirmation ): Dadka qaarkii waxa ay jaceylka loo qabo ku
fahmaan qirasho afka ah oo hadalo kalgacal ah lagu dhaho sida : waan ku
jeclahay , waxaad tahay iftiinka noloshayda , timahaaga aad ayay u qurux badan
yihiin , had iyo jeer waad iga qoslisaa iyo in aad ku dhahdo “ hadallo
dhiirigelinaya marka ay wax wanaagsan sameeyaa sidoo kale , in aad ku ammaanto
waxyaabaha wanaagsan . Dadka luqaddooda aasaasiga ah ay tahay word of
affirmation , ereyaddu macno badan ayay u leedahay oo waxay dareensiinayaan in
la fahmay oona qaddarin loo haayo .
2: Waqti
tayo leh ( Quality Time )
Waxay
jaceylkooda ku qiimeeyaan x in la isla qaato waqti tayo leh , waxay dareemaan
jacaylka ugu badan marka ay doonayaan lammaanuhu in ay si firfircoon waqti
isula qaataan , waxayna si gaar ah u sii jecel yihiin marka dhugmo joogta ah la
siiyo , dhageysi firfircoon iyo indho-indheyn. Luqaddan jacaylka waxay ku saabsan
tahay , in aad si gaar ah dareenkaaga u siiso qofkaas gaar ah ama meel aad isla
aaddan iyada oo aan lagu mashquulin shaashadaha taleefannada , telefishinnada
ama wax kale oo faragelin dibadeed ah .
3:
Ficillo Adeeg ( Act Of Service ): Waxay jaceylkooda ku dareemaan, inaad noloshooda u fududeyso ama ad wax
la qabato , sida : in shaah u sameyso subaxdii , markii uu xanuun yimaado in la
garab qabto oo laga caawiyo nadaafadda howsha guriga , dadka sidaasi ah , waxaa
laga yaabaa, in haddiyado qaali ah loo keeno ama ereyo amman ah lagu dhaho ,
haddana ay iska cabanayaan , sababta oo ah luqaddooda jacaylka ugu horreyo,
waxay tahay in wax lala qabto oo ugu yaraan xitaa lagu caawiyo shaqooyinka
yaryar iyo kuwa waaweynba .
4:
Haddiya ( Gift ): Dadka
ay tahay luqaddooda jacaylka ah , in haddiyado la siiyo , waxay ku raaxeystaan
in la siiyo waxyaabo macno leh oo muhiim u ah iyaga oo ka tarjumaya qiyaamkooda
, ma aha wax qiimaha lacageed oo qaali ah , laakiin waa fikirka ah , in wax la
siiyay, sidoo kale dadka qaabkaan leh waxay qiimeeyaan goobta , goorta iyo habka
haddiyadda loo siinayo . Dr chapman luqaddan jaceylka , wuxu ugu yeeray
“Astaahama muuqaalka ah ee jacalka” ( Visual symbols of love) .
5:
Taabasho: ( Touch ): Dadka
luqadooda jacaylka taabashada tahay waxay dareemaan jaceyl marka ay si joogta
ah u helaan isku soo dhawaanshaha jirka iyo taabashada oo ay ku jiraan
dhunkashada , gacmaha , garab isqabsashada , in hab la siiyo iyo galmada . Isku
soo dhawaanshaha jirka ayaa si aan caadi ahayn u xaqiijinaya qofka in la jecel
yahay .
5taas
luqaddood ee jacalka waa 5ta luqaddood ee lagu qeexo jacalka , laakiinse qofba
way u kala horreeyaan ama u kala muhiimsan yihiin , sidaas awgeed qofka aad is
guursateen labada ugu horreya aad isku mid noqotaan , waxaa aad u fududaanayo
is fahamkiina , maadama labadiinaba aad isku hab u fahamteen jaceylka , lakiin
haddii isku mid ahayn , waa in qof kasta ogolaadaa qofka kale waxa uu jacaylka
u fahmo ka dibna uu arrimahaas la yimaado , si dhinaca kale uu u dareemo
jaceylka ayna ugu waaraan noloshooda , haddii kale , waxaa dhaceysa labo qof is
jecel laakiin aan is fahmsaneyn!
0 Comments