QISO 2022 | SAAXIIBKEYGA HORE WUXUU RABAY INUU NA KALA GEEYO ANIGA IYO SEYGEYGA

QISO 2022 | SAAXIIBKEYGA HORE WUXUU RABAY INUU NA KALA GEEYO ANIGA IYO SEYGEYGA

 


 QISO 2022 | SAAXIIBKEYGA HORE WUXUU RABAY INUU NA KALA GEEYO ANIGA IYO SEYGEYGA

Qisadaan waxaa ka sheekeyneysa gabar la yiraaha Nada waxay ku bilaaweysaa sida tan :-

Asc saaxiibayaal , sidee tihiin Aan iska kiin baro , Aniga waxaan ahay Naadiya cimrigeygu waa 23sano , Hadaan dib u laabto marka aan jiray 17sano waxaan la noolaa hooyadeyda dhaqtarada eheed oo la yiraaho liina Iyo aabaheyga maxamed oo ahaa gacasade iyo sdo kle walaasheyda iga weyn Nada taasoo nolosheeda iska eheed Safaro iyo bashaal mana arki jirin ilaa marmar maahanee Anigoo eheed kuwa ku nool nolol heer sare ah hooyadeyda wey diideysan inaan la hadlo kuwa ay xaaladooda hooseyso , Kuwa heerkeena oo kle ku noolna sida walaasheyda nada waxay ahaayeen kuwa kibir badan ,  Macno iima laheyn aragtidooda mana jecleyn inaan u dhawaado , Waxaana ka doortay inaan kali ahaado , nolosheyda waxay ku koobneed qolkeyga iyo waxbarashadeyda , lkn maalin waxaan go'aansaday inaan helo qof aan la hadlo , waayo aamusnaanta waan ku daalay , Waxaan wajahay waxay ku magacaabaan socila media , Marka aan furay bartayda facebooga waxaan arkay Dalabyo badan , waxaan aqbalay qofka ugu horeeyay ee iga soo horbaxay , nasiib wanaag wuxuu ahaa wiil , Saaxibtinimadeena wey bilaawatay waxaan noqonay kuwa marwalba sheekeesta , Hal bil kadib wuxuu iga dalbaday inaan kullano , Waan ka ogolaaday , waan baxay oo waxaan kula kulmay meel caan ah , Wuxuu ahaa wiil dabaqada sare ku nool sidey hooyadeyda dhahaysa , sdo kle Aabihiisa waa ganacsade , sidaa daraadeed wiilkaan wuxuu ku noolaa noloshiisa isagoo aan waxba ka fekereyn , Qoyskiisa ayaa waxwalba sinaayay , Waxba ihtimaam ma siinayo xitaa waxyaabaha aad iisheegtay majecli , wuxuu igula dhaqmaayay qaab aan habooneyn , Maalin waxaa ii timaaday gabar waxayna iisheegtay inuu yahay wiil aan fiicneen , maalinwalba wuxuu bartaa gabar marka uu ku caajisana wuu ka tagaa ma rumeysay , maalmuhu wey soo mareyn ilaa maalin aan ka maqlay isagoo la hdlayo mid ka mid ah saaxiibadiisa wuxuuna usheegaayay inaan iska ahay madadaalo wax kle aysan jirin , marka hore wey adagthy marka aan gacanta ku dhigana qiimo la'aan ayaan dhigayaa , Jawaabteyda ma eheen ilaa dharbaax kulul maahanee taasoo aan ku cabiraayay xanaaqeyga , waan ka tagay oo baxay , hooyadeyda arrinkaa wey ogeed waxaa la yaab laheed iney ii hambalyeysay marka ay ogaatay qofka uu Aabihiisa yahay waxwalba ay rabtay waxay eheed hanti  lkn marka aan u sheegay waxa dhacay iyo inuu dhamaaday xiriirkeena , aad ayay u xanaaqday sida inaan dhaawacay oo kle si naxdin leh ayaan u fiiriyay kadib waan ka tagay anigoon la hadlin , waxaan ahaa 2maalin mid aan qolkeeda kasoo bixin kaliya waxaan ka fekeraayay waxa iigu dhacay , Ilaa aan ka go'aansaday inaan waxbarashadeyda dibada ku dhameesto si aan waxwalba ugu fogaado , xitaa qoyskeyga aan ihtimaam siineyn midba midka kle , dhab ahaantii aabaheyga ayaan la hadlay wuuna igu waafaqay , wuxuu bilaaway inuu warqadaheyga ii diyaariyo 10maalin kama soo wareeg oo waxaan joogay England , marka aa diyaarada kasoo dagay waxaan dareemay kalinimo waa markii ugu horeysay aan kaligeyga wadan kle u safro ,wxba kama duwaneen gurigeena , lkn waxaan dareemaayay kalinimo , waxaan aaday guriga aan ku noolaan lahaa wuxuu ahaa guri aad u weyn dhab ahaantii aad u wanaagsan , lkn waan diiday inaan dego , waxaana aaday guriyaha qurbaha ee jaamacada , .. Sanadka koobaad ayaa soo maray anigoo aan ihtimaam siineyn ilaa waxbarashadeyda maahanee , waqtigeyga dhan waxaan ku qaadanaayay maktabada jaamacada anigo wax akhrisanayo , waxaan ahaa mida ugu wanaagsan fasalka waxaana noqday mida ugu sareysay dufcadeena , Qoyskayga kaliya waxaan kala xiriiraayay social media marmarna iyagaa isoo wacaayay , Waxaan soo maray siddexda sano ugu horeyso ee jaamacada marka uu imtixaanaadka dhamaaday kadib waxaan go'aansaday inaan qoyskeyga booqdo , kuwaaso aan arkin tan iyo markii la guursaday walaasheyda iga weyn sanadkii hore , Taasoo ka guursatay qoys hantiile ah  wey naga horeeyaan dhanka dhaqaalaha iyo waxbarashadaba , lkn layaabka wuxuu ahaa marka aan safray , waa markii ugu horeysay ay walaasheyda ila sheekeysato taasoo ay ka muuqatay murugo , waxay iisheegtay ninkeeda inuu kula dhaqmaayo sida shaqaalo oo kle , xitaa ma awoodin inay ta taqalusto , waayo wuu diiday inuu furo , Aabihiisa oo ahaa nin dowlada awood ku leh qofna ma awoodo inuu hor istaago , Aad ayaan ugu murugooday xaalada walaasheyda , Midaa waaye dhamaadka raadinta lacag , qurux iyo nasab , ... wax badan ma joogin Qaahira waxaan ku laabtay England si aan u dhameesto sanadkeyga ugu danbeeyo ee jaamacada , waxaan bartay Digtoor wax noo dhigaayay wuxuu ahaa dhalinyaro dhamaadka 20meeyada ku jira , sdo kle wuxuu aha Digtoorka ugu yar jaamacada , Maalin anigoo iska socda wadooyinga England kana fakerayo xaaladeyda iyo kalinimadeyda , ilaa aan ka arkay markii ugu horeysay wadada oo firaaqo ah ilaa laba nin oo u muuqday kuwa aan caadi eheen , Gadaal ayaa si cabsi leh ugu laabtay , waana ka cararay lkn wey isoo daba ordayeen intay aysan i qaban waxaan ku dhacay drkii ilyaas , Labadii ayuu laad kala dhacay , ilaa xiligaa arrinkeyga ayuu ihtimaam siinaayay , waxaan ugu sheekeeyay qisadeyda iyo sdo kle sheekadii horey  na dhexmartay aniga iyo wiilkii , markaan dhameeyay sanadkeyga ugu danbeeyay waan is guursaday iyaduu aabaheyga kaligii ogolyahay , Hooyadeyda wey diiday mana kasoo qeyb galin arooskeyga , waayo wuxuu iska ahaa aroorka iska fudud oo ka dhacay mid ka mid ah maraakiibta , Waxaan degnay England nolosheena waxay eheed mid aad u deggan , waxaan go'aansaday inaad drs ka noqdo isla jaamacada uu ilyaas dhigo Maalin ilyaas ayaa ii imaaday isagoo aad u xanaaqsan , wuxuu ii dhiibay telkiisa isagoon ila hadlin , wuxuu ahaa sawir aniga iyo wiilkaa aan xiriirka horey ulaheyn waan u sheegay waxwalboo dhacay , ilyaas wiilkaa wuxuu u dhigay cashar uusan ilaabeyn , ujeedadiisa waxay eheed inuu sumcadeyda ku dheelo , Lkn my sixirkii ayaa saaxir ku noqday , xiligaa ayaan xaqiiqsaday bedelka Alle inuusan laheen wax lamida , Bedelkeygana wuxuu ahaa ninkeyga aan jeclaa ilyaas .

Qisada iyadoo muuqaal ah halkaan ka daawo 👇👇👇👇👇👇👇👇👇


Post a Comment

0 Comments