DHIIRIGELIN , XIKMADO & ORAAHYO 2022

DHIIRIGELIN , XIKMADO & ORAAHYO 2022


 DHIIRIGELIN , XIKMADO & ORAAHYO 2022

Haku niyad jabin duruufaha, laakin ka dhig kuwo ku dhiirigaliya, hana ka niyad jabin guuldarooyinku, balse haku xoojiyaan oo awood hakuu yeelaan, hana ka xishoon inaad nolosha casharo ka barato, laakin ka yeel kuwo ku horumariya.

Guuldaradu ma awoodi doonto inay ku taabato, haddii aad go'aansato inaad guulaysato.
- Go’aan qaado, adkayso, wax kasta oo aad ku riyoonayso waxay noqonayaan run Insha'Allah .

Dadka guulaysta cudur daar ma sameeyaan, si fududna uma quustaan, si kasta oo ay ahaataba dhibka iyo caqabadaha ay la kulmaan uma istaagaan guul-darro darteeda ee waxay u sii socdaan dhanka mustaqbalka.

Waa inaad naftaada u ballan-qaadaa in maalin uun aad noqon doonto waxa aad doonayso inaad noqoto, u sheeg naftaada in ay awooddo inaad samaynayso wax kasta oo kaa caawinaya inaad gaarto yoolkaaga.

Mar kasta oo aad naftaada dadaal badan geliso, nolosha ayaa kuu fududaan doonta, dadaal la'aan waxba kuma yimaadaan ee ku dadaal horumarkaaga si aad u gaarto himiladaada iyo hadafkaaga.

Hal-abuurkaaga kala badh ayaa dhimanaya haddii aad ka fikirto ra'yiga dadka kale, had iyo jeer xasuusnoow inaad leedahay xagal gaar ah oo adiga oo keliya aad wax ka eegi karto.

Wax kasta oo noloshaada ah waa inaad sugtaa marka laga reebo riyooyinka; ayagaa ku sugaya maalin kasta si aad tillaabo ugu qaaddo xaggooda.

Hadaf la'aan waaxad noqon sida dooni aan lahayna meel ay ku soo xidhato safarkeeduna ku dhamaado in ay burburto oo gobolo yar yar noqoto .

Noloshaada iyo dhibaatadaadu maaha filim xiiso leh oo  aad dadka oo dhan uga sheekaysid.

Waxay aamminsanyihiin in dariiqa guushu uu sahlan yahay,waxay umalaynayaan inuu qofku guusha udhashay.

Majiro wax la dhaho dal faqiir ah,waxa jira nidaam ku fashilmay maamulka khayraadka dalka.

Ilaahay wuxuu ku abuuray adiga oo xor ah,xor ahow sida uu Alle kugu abuuray.

Ciddii ku danaysa danee(ixtiraam),inta kalena salaanta oo aad ka qaaddo ayaa ku filan.

Qof kastaa wuxuu ku fikiraa inuu beddelo adduunka, laakiin cidina kuma fikirayso inay is bedesho.

Iskoolada cashar ayaa lagugu baraa kadibna waa lagugu imtixaamaa, noloshuna way ku imtixaani kadibna cashar ayay ku baraysaa.

Haddii aad rabto inaad ku noolaato nolol farxad leh, ku xir noloshaada himilo, ee ha ku xirin dad ama waxyaabo.

‌‌‌Dulqaad yeelo, mararka qaar waa inaad marto waxa ugu xun si aad heerka ugu fiican u gaadho.

Inta aan ahay mid aan dhibin qofna.....Dan kama lihi cidda i jeclaanaysa iyo cidda inacaysa..uma joogo adduunkan In aan dadka oo dhan madadaaliyo-raalli geliyo.

Waxa jira dad aqoon ahaan kaa hooseeya, kuwaas oo haya shaqadii aad jeclayd inaad qabato, sababta ay halkaas ku gaadheenna waa in ay go'aansadeen in ay ficil sameeyaan.

Qof kasta oo guulaysta waxa uu leeyahay sheeko xanuun iyo dhib badan, sheeko kasta oo xanuun badan waxay leedahay ama ku dhammaataa guul. Sidaa darteed, sheekada xanuunka badan aqbal, guul na u diyaar garaw.

Qofna ma arki karo halka aad hiigsanayso iyo waxa aad ku taamayso sidaa darteed cidna hala sugin ansixin,wado hawlahaaga.

Si aad u guulaysato, waxa aad u baahantahay in aad hesho wax aad xajisato, wax kugu dhiirigaliya guusha wax kugu Haga Hogaanka saxan.

Hadii aad dareento inay waxkastaa kaa lumayaan, xasuuso in geedaha sanad kasta caleentoodu ka lunto, hadane ay sare u taagnadaan ayna sugaan in maalmo fican so maraan.

Dadka qaarkii ma rabaan inay runta maqlaan sababtoo ah
Ma doonayaan in dhalanteedkooda la burburiyo .

Waqtigu waa hantida ugu muhiimsan noloshaada oo ay tahay in la ga faaiidaysto haddii aad rabto inaad gaarto.. yoolkaaga .

Ha ula dhaqmin dadka sida ay kuula dhaqmaan ama ay kaaga falceliyaan, adiga oo awooda in aad raacdo taladii iyo sunnada suubban nabigeenna Muxamed NNKH.

Jacaylkasta guushiisa waa labo xasuus joogto ah iyo xiiso aan gurin.

U dul qaado daruufta, xaaladkasta iyo xilli kastaba kugu xeeran.

 Sharafkaagu waa shayga ugu muhiimsan ee kaaga baahan ilaalinta, xitaa haddii aad naftaada ku waynayso.

Sida qalbi walba xaq ugu lee yahay in la ilaaliyo, ayuu kaaguna u mudan yahay in la daryeelo loona diirnaxo.

Haku danaysan qofna, si aadan ugu dulloobin berri.

Ogoloow in aad bixiso ka badan waxaad hesho.

Post a Comment

0 Comments