ASTAAMAGA LAGU GARTO JACEYLKA AAN GUULEYSAN

ASTAAMAGA LAGU GARTO JACEYLKA AAN GUULEYSAN

 


JACEYLKA AAN LAGU WAARIN

Waxaa jiro astaamo lagu garto jacalka aan guuleysan astaamahaana waa kuwa cad oo kaa caawinaya , in aad garato qofka aan kugu habooneyn . Waxaa muhiim ah in aad ka hor tagto xiriirkaas ama aad joojiso , Haddii aad astaamahaan ku aragtid , sababtoo ah , waa digniino cad oo keeni kara labada qof marka ay is guursadaan , inuu yimaado khilaaf aad u jiitamo oo ugu dambeyntii laba qofood ku kala tagaan oo ay ka mid yihiin daneysi , farxad la’aan labada dhinac midkood ka yimaada , ixtiraam la’aan labada dhinac ah iyo kuwa kale oo badan .

1: Ballanqaadyo badan oo ficil la’aan aha: waxaa jirta xiliyada shukaansiga uu qofka xiriirka idinka dhaxeeyo uu adeegsado ereyo macaan , si uu u helo wado uu qalbigaaga ku galo , kuuna sameeyo ballanqaadyo badan, inta uu shukaansiga socda laakiin, waxaa dhacaysa ballamadaas in uusan fulin taasi waa calaamadaha ugu waa weyn ee kalsoonida dhaawaca , marka haddii kalsoonida labada qof ay yaraato xiriirkoodana wuu xumaanayaa oo halis buu galayaa , sidaa darteed , yuusan kugu qaldin hadalo macaan , waayo jacalka ma ahan ereyo laakiin waa ficilo ka arkeyso qofka ku jecel.

2: Xiiso la’aan iyo dareen qabow : Astaamaha ugu muhiimsan ee bilowga shukaansiga gaara ilaa guur lagu guuleystay waa soo ifbixidda daeen xoog leh oo ka adkaada maskaxda iyo qalbiga oo qofka tusinaya I uu qofka qofka kale aad u xiiseeyo , laakiin haddii xiliga shukaansiga dareenka aad qofka u qabto iyo xiisahaba haddii uu aad u yaraado , maxaa u maleyneysaa marka la is guursado kadib ?!

3: Is-jecleysi & Anigaa mudan : Dareenka jacalka ee dhabta wuxuu nagu qasbayaa in aan daryeelno baahiyaha qofka aan jecelnahay ka hor inta aan ka fekerin baahideenn, hadda ka hor ayaa wiil aan saaxiibo nahay weydiiyay heblaayo ma jecehahay? Wuxuu dhahay: Haa saaid ! Waxaan ku dhahay : “illaa intee in la eg ayaad jeceshahay” wuxuu igu dhahay: “illaa inta aan la’aanteedda farxad heli karin” waxaan ku dhahay: Qofka kugu beeray fekerka ah in la’aantiisa aadan farxad helli karin kuma jecla, qofka kaa dhigay daciif illaa iyo inta in la’eg kuma jeclo , qofka ku dareen siiyay in uu naftaada ka sarreyo , kuma jecla!

4: Qalbigaaga kuma dego : Xiriirka wanaagsab ee sababa guur lagu nagaado , waxaa jirto calaamado aad ku garan kartid , halka uu ku geynayo iyo halka aad rabtid , waxaana ka mid ah in qalbigaaga uu ku deggan yahay qofka aad jeceshahay , kalsooni dhab ahna aad ku qabto isaguna uu yahay qofka kugu haboon , lakiin haddii ay jirto kalsooni darro idin dhextaal , shaki joogto ah iyo su’aalo ayaa qalbigaaga soo noqnoqonayo digniinta qalbigaaga ka imaaneysa ayaana run ah , marka loo fiiriyo ereyada qofkaan aad ka maqleyso , sidaa awgeed , waxa aad ka fekereyso aamin , Haddii aad ku fakareyso in shukaansigaaga uusan daacad aheyn oo dareen saa’id ah uusan kugu jirin , isla markaasba u qaado si dhab ah .

5: Dano gaar ah : Dadka qaar waxaa mideeya dano badan oo u muuqda in uu jiro jaceyl , waxaad arkaysaa mark kasta oo laba qof ay kulmaan ama uu dhexmaro wada sheekeysi , in laga hadlo dago gaar ah iyo waxaas ii sameey . Inta badan xiriirkaas wuxuu noqdaa jaceyl hal dhinac oo dhinaca kale wuxuu ka leeyahay dano gaar ah uusan jaceylka iyo xiriirka guurka dantiisa aheyn.

6: Dulqaad la’aan xiliga shukaansiga: Haddii aad ku aragto xilliga shukaansiga in qofka aad isla socotaan si dhaqso leh uu kugu xanaaqo , goortii uu kugu arko qalad yar oo qof kasta ku khaldami karo , wuxuu u arkayaa khalad weyn , wuuna weynaynayaa mawduuca xitaa waxay gaareysaa in uusan kula hadlin maalin ama labbo , in uu wax yar ka dhigo wax weyn , Haddiiba xiligaa shukaansiga oo la isla dhaqmin sidaas uu yahay sidee ayuu noqon doonaa guurka kadib!

  Sidoo kale haddii khalad uu kaa galo wuu isla weyn yahay in uu kaa raaligeliyo , wuxuu iska dhigaa in uu ku raaligelinayo laakiin marmarsiyo ayuu la imaanayaa tusaale ahaan wuxuu ku leeyahay : “adiga ma ahayn in aad sidaan sameyso” ma aheyn in aad iga xanaajiyo , waxay aheyd in aad iga tagto , wuu is difaacaa isagoo kaa khaldamay ama khaladkiisa ayuu inkiraa .

7: isbedelka dabeecadda shakhsiyadeed : Waxaa la yaaba in aad qof istaqaannaan 2 isbuuc laakiin waxaan ku arkeysaa mar kastaba dabeecad shakhsiyadiisa oo isu bedesho mid ka sii daraysa . Qofka aad fahmi weyso shakhsiyadiisa iyo dabeecadiisa guud ahaan guurka ka hor waxayna caddeyn u tahay , inuu iska dhigayo qof kale , taasina waa waxyaabaha dadka qaar ay sameeyaan oo qofka ay ku soo jiidanayaan marka la is guursadana uu la imaanayo wajiyo kale .

8: Isfaham iyo is dhageysi la’aan : Inta uu ku dhageysanaayo iyo inta uu hadlaayo waxaa badan hadalkiisa , markii aad bilowdo inaad ka sheekeyso dhibaatooyinkaaga , ma siinayo falcelino muujinayo inuu doonayo inuu ku dhageysto , hal dhinac ayaa had iyo jeer raba in markasta la maqlo iyo in hadalkiisa sax uu noqdo .

Post a Comment

0 Comments