XIKMADO CUSUB 2022
• Heerarka ugu sarreeya ee dheelitirnaanta nafsiga ah waxaa ka mid ah inaadan raadineynin inaad saxdo fikirkaaga xun, qof kasta oo ku sharfa , sharaf , qof kasta oo ku yareeyana ka dhaqaaq oo waxba haka soo qaadin .
• Ha eegin wixii tagay laba arrimood mooyaane: Cashar qaadashada iyo khibrad kororsi .
• Waxaan kaaga digayaa xamaasadda ra’yiga, iyo ku degdegista jacaylka, haddii nafta loo qaado waxay rabto way ku dili, xad-dhaafna kuma badbaadi karo, ee naftaada ka adkoow.
• Xikmad Hindiya ayaa waxay tiraahdaa: Qofkii guul adduunyo raba Waa inuu ka adkaadaa lixdaan sheey [Hurdo - caajisid - cabsi - cadho - caajisnimo - dib u dhigid].
• Markii daadku yimaado kalluunka ayaa cuna quraanjada... Markay biyuhu engegaanna Qudhaanjadu waxay cuntaa kalluunka... Markaa sug wakhtigaaga, noloshu waxay ku siinaysaa fursad walba .
• Aamusnaanta mar walba ma qurux badna, xaaladaha qaarkood qofka ma mudna inuu Aamuso .
• Ha ka aargoosan.. fadhiiso webiga qarkiisa oo sug.. maalin Ayaa waxaa imaan doonto diyaarad wada meedka cadowgaaga .
• Waa macquul inaan saaxiib kaga taqalusno hal kelmad , lkn kun kelmad kuma filna inaan ku kasbano.
• Furfurnaanta , Dabeecada wanaagsan , hadalka qurxoon iyo qalbiga nadiifka ah , waa quruxda dhabta ah ee qofwalba .
• Akhlaaqdu waa taajka wada sheekeysiga ee dadka dhexdood , qalbigaaga qofna wax ha’ugu qaadin iska cafi , iska jaahilsii , Dabeecad wanaagsan kula dhaqan , noqona midka ugu wanaagsan iyaga .
• Dadka ugu xun nolosheena waa kuwa kasoo galay albaabka Kalsoonida , kana baxay albaabka khayaanada .
• Waxaan la yaabay qof lacag uruursada oo geeridu dalbatay , waxaan la yaabay qof dhisanaya qasriyo isaguu uu hoygiisa haya qabriga , Aduunkaan waa raaxo iska yar oo laga tagayo , qof walbana ay u danbeyn doonto carada .
• Ayeeyadeyda ayaa waxay I dhahday , Eeyga haku ilaaliyo guriga , bisadana hakaa cunto dooliga , Dadkana ha’u sheegan sirahaaga .
• Si kastoo aad u adagtahay dhoolacadeey , Waayo nabarada codka qosolka ayaa baa’bi inaya .
• Ha ka dhigin naxariistaada buug u furan qof walba, waxaa jira dad aan mudneyn waxa ugu yar .
• Quruxda caqliga waa fekerka , quruxda carabkana waa aamusnaanta , quruxda wejigana waa cibaadada , quruxda qalbigaan waa ka tagida xaasidnimada , quruxda hadalkana waa runta .
• Aamusnaanta xiliyada qaar waa xikmad .
• Ha la yaabin haddaad xumaan ka heshid meeshii aad wanaag ku beertay Waxaa jira dhulal aan ku habboonayn beerashada
• Qalbiyada dadku wuu rogrogmaa , mar adiga ayuu kula jiraa marna kuwa kale , Marka haka raadin raaxo , Raaxada ka raadi midka quluubta abuuray oo rogroga
• Ha duleynina qalbiyo aad maalin ku abuurteen kalsooni , waayo ma ogidiin sida ay u qalbi jabayaan .
• Dhamaanteen waxaan wadaagnaa hal arrin oo ah , inaan nafteena ka cafino qaladyadeena oo aan eedeynta ku tuurno kuwa kale .
• U noolow naftaada, Cid kasta oo aan kuu qalmin dhabarka u jeedi. Ma jiro khasaare aan ahayn khasaaraha naftaada .
0 Comments