WAA MAXAY JACEYL

WAA MAXAY JACEYL

 WAA MAXAY JACEYL


Jaceylku waa dareenka ugu qiimaha & quruxda badan ee noolaha garan karo , waa dareen nadiif ah macaan badan , nolosheena qiimo u yeelay oo na dareensiya raaxada nolosha , jaceylku waa erey ka kooban qormo ahaan 6 xaraf , Laakiin xambaarsan macaanka nolosha . Dhinac kale haddii aan ka eego jaceylku waa dareen kuu soo jiidayo qof kale qaligiisa , fallaartiisuna wadnaha si lama filaan ahna u geleyso , iyadoo aan wax oggolaansho ah la weydiisa .

Waa arrin Alle ku abuurey noole kasta , mar kastana diyaar u ah in uu soo dhaweeyo qalbi kale oo ku haboon , Sidaa awgeed laba noole , laba qalbi , laba maskax , laba ujeedo iyo laba waddo waxa kaliya ee mideeya waa jaceylka . Jaceylku ma’ahan oo kaliya in aad dooratid qof qurux badan ama lacag leh , laakiin waa qof aad ag joogiisa ku dareemeyso degganaansho , xornimo iyo kalsooni , dareemi karana garaaca wadnahaaga , kaas oo leh qalbi wanaagsan yahayna qof ku daryeelu kara , ku farxa aragtidaada iyo dhageysiga sheekadaada una arka wax kasta agtaada yaala wax qurux badan .

Waana sida biyaha ceelka oo kale , waad ku qoyi kartaa , waadna ku dhaawacmi kartaa laakiin biyaha la’aantooda ma noolaan kartid , wuxuuna iftiiminayaa qalbi kasta sida cadceeda oo kale , meesha ugu cillada badan aduunka waa qalbiga aadanaha marka uu jaceylka ka maqan yahay .

Jaceylku ma’ahan aqoon laga barto jaamacadaha balse waa dareen laga dareemo gudaha qalbiga . Dadka qaarkii ayaa ku leh “ Jaceylku waa cadaab ama waa wax aanay wax ka jirin” . Dadka noocaas ah waa dadka kaligood wax jeclaaday amanba qalbigooda hore loo soo dhaawacay sidaa darteed , meesha dunida ugu barwaaqada badan waa qalbiga , dhanka kalena meesha ugu cilada badan dunida waa qalbiga aadanaha markii uu waayo wehelkiisa .

Post a Comment

0 Comments