SIDEEN KU NOQDAA QOF LA JECELYAHAY

SIDEEN KU NOQDAA QOF LA JECELYAHAY

 

SIDEEN KU NOQDAA QOF LA JECELYAHAY

1 . Dareensii qofka in uu muhiim yahay : Haddii aad dooneyso in dadku ku jeclaadaan , ku qadariyaan , la kulankaaga usoo xiisaan , dareensii inuu agtaada ku wayn yahay . Qof walba wuxuu jecelyahay in uu dareemo in uu muhiim yahay .

2 . Ku bilow salaan qiimo leh : salaanta waxay badineysaa jacaylka ay dadka kuu qaadayaan wuxuu yiri Nabiga SCW “ salaanta badiya oo faafiya waad is jeclaanaysaane” salaanta kuma xirna qof aad taqaanid ee salaan midka aad taqaano iyo midka aadan aqoonba .

3 . Dadka kala hadal waxa ay danaynayaan : Qof walba waxa uu doonayaa in lagala hadlo baahidiisa .

Maadaama dadka aanan wada helin cid kala hadasha waxa ay iyaga rabaan in lagala sheekaysto , laga waraysto , haddii aad adiga booskaas u buuxisid , waxaad noqonaysaa qof agtiisa ku wayn oo in badan xusuusta.

Qofka aad la kulanto ka warayso riyooyinkiisa , waxyaabaha uu jacel yahay in uu qabto iwm . Waxaa hubaal ah , haddii uu walaalkaa yahay , haddii uu waalidkaa yahay , haddii uu saaxiibkaa yahay iyo haddii ay cid kale tahayba , in uu wax badan dadka kaasoo dhawaysan doono .

4 . Booska dadka is dhig : Dadka waxaad u muujisaa inaad aqbasho cudurdaarkooda , adiga oo is dhigaya booskooda ay taaganyihiin . Dadka haddii aad sidaa kula dhaqanto waxay dareemayaan in aad iyaga dantood u taagantahay , waxayna kugu haynayaan qalbigooda iyaga oo kuu muujinaya dareen jacayl iyo mid naxriis .

5 . Ceebaha Dadka ha sheeg sheegin: Haddii aad rabto inaad dadka kasbato waa inaad ka dheeraataa ceebaha dadka , sababta oo ah qofkasta wuxuu leeyahay ceeb u gaar ah . Tusaale ahaan , maalin ayay saxaabadii Nabiga SCW ku arkeen cabdullaahu ibnu mascuud , isaga oo geed cadaya soo goosanaya oo dabaysha marba dhinac u tuurayso , markaas ayay ku qosleen!

  Nabiga SCW wuxuu yiri: “ maxaad la qosleysaan” Waxay dhaheen: lugihiisa caatada ah . Wuxuu ku dhahay Nabiga SCW : “ illaahbaan ku dhaartee lugihiisu miisaanka waxay ka culus yihiin buurta uxud”.

6 . Qiro qaladaadka aad gashay: Marka aad qirato qaladkii aad gashay oo aad qofkii ka raali gelisay , waxaad qiyaastaa qofka kalsooni intee le’eg ayuu kugu qabayaa . Nabigeena wuxuu ina baray duco cajiibah oo aynnu ku ducaysanayno maalin kasta iyo habeen kasteba ducadaas oo ah: “Waxaan qirayaa nimcada aad korkayga ku nimcaysatay , waxaan kale oo aan illaahayoow kuu qirayaa danbigaygii , ee ii danbi dhaaf , maxaa yeelay cid danbi dhaaftaa majirto oo aan adiga ahayne.

Nabiga SCW wuxuu inoo caddeeyay in ducadaan qofkii ku duceysta subixii ee dhinta isla maalintaas uu jannada galayo , qofkii ku duceysta galabtana ee dhinta isla habeenkaas uu jannada galay.

7 . Isku hadiyeeya waad is jeclaanaysaan: Hadiyadu waa dhaqan uu noogu dardaarmay Nebigeena Muxamed SCW in aan isu hadiyayno waxyaabo qaali ah iyo wax aan qaali ahaynba , si aan isu jeclaano . Nabiga SCW wuxuu leeyahay : “ Isu hadiyeeya waad is jeclaanaysaan”.

8 . Dadka u naxriiso adigana halaguu naxariistee: Nabiga SCW wuxuu yiri : “Kuwa naxriista waxaa u naxariisanaya iyagana naxriistana Allaah”. U naxriista kuwa dhulka jooga , waxaa idiin naxariisanaya kan samada joogo Allaah” .

9 . La tasho oo taageero ka dalbo: Haddii aad asxaabtaada ku dhahdid ; qorshahan aynnu qaadanay bal ka talo bixiya , maxay idinla tahay ? Fikirkiina waa noo muhiim , fadlan nala wadaag aragtidaada.  Ereyadaasi waxay dadka dareensiinaysaa , in horumarka la rajeynayo ay qayb ka yihiin . Marka aad fikrad soo bandhigayso qofka dareensii inay tahay waxa aad wada leedihiin oo aadan ka caqli badnayn .

10 . Ha hilmaamin is qurxinta iyo nadaafadda: Quruxda iyo naftaaddu waxay soo jiidataa isha , dadkana way kuugu jeclaanayaan . Nabiga SCW wuxuu yiri: “Ilaahay waa qurxoonyahay , waxa uu jecelyahay quruxda iyo waxa qurxoon oo idil”

11 . Ballanta ilaali : Diinteena waxay marar badan nagu dhiirigelisay ballanta in aan ilaalino , taas oo la gaarsiiyay heer munaafaq lagu tilmaamo qofkii aan oofinteeda ku dadaalin . Afkaaga adaa furaha u haye ee wixii aad ballan qaadayso miisaanka saar .

12 . Caawi xilliyada adag: Dadka ma iloobaan qofkii caawiya xiliyada adag, sidoo kale ha dhihin , Hebel ima yaqaano wakhtiga danta uu leeyahay maahane , laakiin waxaad dhahdaa waxa mahadleh Allihii igu karaameeyay inaan dadka dantooda u fuliyo , sababta oo ah waxaa jira xadiis dhahaya : “Dadka Alle agtiisa loogu jecel yahay waa dadka ugu anfac badan dadka”.

13 . Dareensii in aad wanaagga la jeceshahay

14 . Xifdi magacyada dadka , uguna wac magacyada ama naaneysta ay jecelyihiin .

15 . Qof kasta dabeecaddiisa oo wanaagsan kula dhaqan , si aad usoo jiidato .

 

Post a Comment

0 Comments