QAAR KA MID AH TUSAALOOYINKA NABIGA SCW INA TUSINAYA , SIDA UU XAASASKIISA ULA DHAQMI JIRAY WAXAA KA MID AH :-
1 - Wuxuu la qaadan jiray waqti gooni u ah uu ula sheekeysto : waxay leedahay hooyadeena caa’isha RC : “ Wuxuu ahaa rasuulka Alle , haddii uu kasoo baxo salaada casir , in uu u geli jiray xaasaskiisa , kadibna wuu usoo dhawaan jiray” ibnu cabaas wuxuu tilmaamay inuu Nabiga SCW xiliga aroortii marka qoraxda ay soo baxdo , soo booqan jiray xaasaskiisa .
Ibna xajar wuxuu leeyahay “Booqashada aroortii waxay ahayd salaan iyo duco , mida gelinka dambena weheltinimo iyo wada sheekaysi .
2 – Wuu dhukan jiray xiliga guriga uu kasoo baxayo: Nabiga SCW wuxuu ahaa , marka uu guriga kasoo baxo in uu dhunkado xaasaskiisa sid caa’isha ay leedahay , sido kale haddii uu sooman yahay xitaa wuu dhunkan jiray , maadaama dhunkashada ay tahay waxyaabaha dareenka jacaylka kor u qaada .
3 – Biyaha wuxu ka cabi jiray meesha ay ka cabto : Caa’isha RC waxay leedahay “ wuxuu ahaa Nabiga SCW inuu ka cabi jiray biyaha meesha aan aniga ka cabaayay ee uu afka ii saarnaa” , sido kale xadiis kale waxay ku leedahay : “wuxuu ka goosan jiran hilibka meesha anigu aan ka goosto”. Wuxuu muujin jiray jacaylka xaasaskiisa uu u qabo xitaa cuntada iyo cabitaanka , taasina waa raadka wanaagsan ee jaceylka lammaanaha aan weligiisa tirtirmayn.
4 – Wuxuu la qubeysan jiray xaasaskiisa : Nabiga SCW noloshiisa dhinac kasta marka aad ka fiiriso waxaa ka arkaysaa jacaylka tan ugu dhammaystiran . Tusaale ahaan Caa’sha RC waxay leedahay : “ waxaan ku qubeysan jirnay aniga iyo Nabiga SCW , hal weel oo labadayaba noo dhexeeya , markaas ayaan weelkii kaga hormaraayey , wuxuu I dhahaayay aniga waaye markeyga , isagana marka uu iga hormaro waxaan dhahaayay waa markeygii . Bal fiiri xitaa qubeyska Nabiga SCW ‘Wuxuu ahaa qubays , laga dareemayo kalgacalka iyo xiriirka wanaagsan ee lammaanaha .
5- wuxuu u kaxayn jiray , casumaadda loogu waco : Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Nabiga SCW nin deriskiisa ah , oo sifiican u samayn jiray maraqa , ayaa ugu yeeray gurigiisa . Nabiga SCW wuxuu ku dhahay Caa’ishana ma igula jirtaa? Ninkii wuxuu dhahay : “ MAYA” , kadib ayaa Nabiga SCW ku yiri “Anigana kuma jiro” , ilaa markii danbe uu ku yiri “HAA” kadib ayaa Nabiga SCW iyo Caa’isha gurigiisa ay usoo raaceen .
6 – Wuxuu ka masaxi jiray ilinta , marka ay ooyso : Xili ay ku guda jireen Nabiga SCW iyo xaasaskiisa safar , ayaa hooyadeena safiya RC ka xanuunsaday geelkeeda , wuxuuna ahaa geelka ay aad u jeclayd , markastana wey ku safri jirtay , kadib ayaa Nabiga SCW u yimid , waxaana loo sheegay arrintii , kadib ay ooysay markaas ayaa Nabiga SCW , gacantiisa ku masaxay ilinteed . Nabiga SCW ma uusan xaqirin dareenkeed iyo sababta ay u ooynayso .
7 – Wuxuu ahaa xaaskiisa wehel iyo saaxiib : Caa’isha RC iyada oo gudaneysa waajibaadka xajka waxa ku dhacday caado , markaas ayay aad u murugootay , ilaa ay ka ooyso , kadib ayaa Nabiga SCW u yimid wuxuu ku dhahay “ Caado miyaa kugu dhacday ? “ kadib ayay dhahday: “HAA”. Kadib ayaa Nabiga SCW ku yiri , isaga oo qalbigeed dejinaya .
“ Arrinkaani waa arrin Alle uu ku waajib yeelay dumarka banii’aadamka , ee samee wixii uu samayn jiray xaajiga ( qofka xajka gudanayo ) waxaan ka ahayn inaad ku dawaafto kacbada” Bal u fiirso Nabiga SCW markii uu yimid ma uusan waydiin maxaa kugu dhacay balse wuxuu ku dhahay “ Caado miyaa kugu dhacday” wuxuu ahaa mid la socda xaaladaha xaaskiisa . Intaas kadib niyaddeda ayuu dejiyay , murugtiina wuu ka saaray .
8 – Wuxuu qayb ka qaadan jiray hawsha guriga : Caa’isha RC ayaa waxaa la weydiyay Nabiga SCW , maxuu ka sameyn jiray gurigiisa ? Waxay ku jawaabtay : “Wuxuu ahaa qof u taagan shaqada reerkiisa . “Axaadiista kale waxay tilmaameen , in uu ahaan jiray Nabiga SCW , mid dharkiisa hagaajista , kabihiisa nadiifista , arigiisa caanaha ka lisa , ehelkiisa danahooda u taagan .Nabiga SCW oo ah hoggaamiyaha ummada , xiliga uu joogo gurigiisa wuxuu u taagnaa shaqada gurigiisa xiliga uu joogo meel ka baxsan gurigiisana wuxuu ahaa mid u taagan shaqada iyo danaha dadka . Miyaysan mudnayn , innagu inaan ku dayano rasuulkeena si aan u helno liibaanta qoyska .
9 – orodka ayuu la tartami jiray : Wuxuu ahaa Nabiga SCW mid la ciyaara xaasaskiisa mararka qaarna wuxuu la geli jiray tartar orod ah , sida Caa’isha RC ay innoogu sheekaysay tartan orod dhexmaray iyada iyo Nabiga SCW , waxay ay leedahay waxaan ahayn aniga iyo Nabiga safar waxa uu iga codsaday in aan orod ku tartanno , waan tartanay waana ka guulaystay , mudo kadib ayaa Nabiga SCW , haddana markale in aan tartano kadibna wuu uga guuleystay , markaa buu inta uu qoslay yiri : “Tan tii hore u qaado” , isaga oo ula jeeda tartankeena hadda waa bareejo .
10 – Wuxuu ka caawin jiray in ay fuulaan gaadiidkooka : Safiya RC ayaa waxay rabtay in ay fuusho geelkeeda , markaas ayuu Nabiga SCW intuu jilibkiisa dhulka dhigay , ayay ku istaagtay , oo ay fuushay awrkeeda . Bal qisaas dareen sidee ah ayay hooyadeena safiya RC dareemeysaa , xili Nabiga SCW jilibkiisa dhulka dhigayo si iyadu ay ugu istaagto , saxaabaduna ay daawanayaan .
Soo ma ahn jacayl la dursaaray jacayl jacaylkaas waa jacaylka loo baahan yahay in aan kula dhaqano xaasaskeena .
0 Comments