EREYO AAD U QIIMO BADAN 2022

EREYO AAD U QIIMO BADAN 2022


 EREYO AAD U QIIMO BADAN 2022

• Ma rabo inaan u noolaado sida hadh iska taagan oo kale , Ee waxaan rabaa inaan u noolaado si dhab ah , Waxaan maalin walba u dugtaa si aan u wanaajiyo Adduunka gudaheyga ah .

• Noqo mid bilaa sabab u faraxsan , sida caruurta oo kale , haddii aad u faraxdo sabab un waxaa ku heesto mushkilado waayo sababta aad u faraxsantahay waxaa laga yaabaa in lagaa qaato .

• Naftaada jecloow xaalad kasta  nooc kasta iyo wakhti walba waayo waxaad tahay ubax qurxoon , ubaxana meel walbo la dhigo waa sidiisa oo udugiisa isma bedelo

• Ka hor intaadan wax siin , isku day inaad ogaato qiimaha uu naftiisa u heeyo , si aad alaabtaada u siin kuwa aan qiimayn qiimahooda .

• Waxaad leedahay hal nolol , ee ha ilaabin inaad ugu noolaato sida aad jeceshahay .

• Wey xanuun badantahay inaad dhinac socoto darbiga adigoo ka fogaanayo mushiladaha , waayo mararka qaar darbigaa ayaaba kugu soo dumi karo .

• Quruxda nolosha waxay ka biloowataa gudaheena , markuu qalbigaaga noqdo mid qurxoon waxyaaba wanaagsan dhan si fudud ayaad ku arki .

• Sharaftaada ilaali oo cidna haku cusleyn , midkii ku doonayo wuu ku raadinayaa xitaa hadaad meel ciriiriya ku jirto , midka aan ku dooneyna kuma arkayo xitaa hadad hortiisa joogt

o , Ee si sharaf leh ku nooloow .

• Runta iyo Daacadnimada waxaa laga yaabaa inaadan dad badan ku kasban lkn waxay ku siin doontaa kuwa ugu wanaagsan inkastoo ay yaryihiin .

• Nolol riyo la’aan ah waa cadaab aan loo adkeysan karin .

• Dhoola cadeyn, noloshu aad ayey u gaaban tahay, dib u cusboonaysii firfircoonidaada, noqo qof saameyn ku leh noloshaada, ha daneynin shay yar oo qalbigaaga xoqaya, waxaad awood u leedahay inaad dib u hagaajiso xoqidaada oo aad nadiifiso boogahaaga.

• Noloshu waa wareer mararka qaar waxaa loo baahanyahay murugo si loo ogaado farxada , Mugdiyada si aan u awoodno degganaanta  Maqnaanshaha si aan u ogaano qiimaha joogitaanka.

• Nolosha ma socon karto ilaa inaad waxyaabaha qaar ka gudubto sida :- inaad ka gudubto qoomameynta , inaad ka gudubto jabka ku soo gaaray iyo sido kle inaad ka gudubto dadka qaarkood.

Ma jiro wax ka wanaagsan carrabka iyo qalbiga marka ay wanaagsan yihiin, mana jiraan wax iyaga ka xaasidnimo badan haddii ay xun yihiin.

• Ku laabashada xiriir hore ma ahan guul darro , sido kle  ka tagida meelaha aadan wax qiima ah ku dareemeyn ma ahan fogaansho , Mar walba sameey waxa naftaada ay  farxad iyo raaxo ku dareemeyso  

• Waxaa jira dad xumaantaada u arka wanaag , Hadalkaaga madhana waxay u arkaan muhiim , ka fogaanshaha aad ka fogaatana waxay u arkaan daal , dhawaanshaha aad u dhowdahayna waa barako , Dadka nooca ah waa dadka ugu qiimaha badan ee noloshaada soo mara , Haddii aad hesho haka fogaan

• Waxwalba sameey lkn ha jabin qof ku siiyay qalbigiisa oo dhan .

• Inagu waxaynu ka sameysanahay dhiig iyo hilib , lkn waa inaan u noolaanaa oo aan u shaqeynaa sida dad ka sameysan bir .

• Wax walboo aad bixiso ama sameyso adigoon jaceyl u qabin waxay noqoneysaa shaqo adag oo dhib badan , Ee isku day inaad sameyso waxa aad jeceshahay si aad shaqadaa ugu raaxeysato natiijo fiicana kaaga soo baxdo .

 

Waxaan rajeynayaa inaad Ereyadaa wax un ka faa’iday noloshaadana wax ka bedeli doonaan .

Post a Comment

0 Comments