CALAAMADAHA LAGU GARTO QOFKA SIDA DHABTA KUU JECEL:-
QOFKA SIDA DHABTA AH KUU JECEL: Wuxuu kuu dhaweynayaa Allah . Waxa uu ku leeyahay .” Kaalay aan Qur’aanka wada aqrisano” . Wuxuu kugu dhiirigelinayaa sida aad aaqiro ugu shaqaysan lahayd ! Gacantaada ayuu qabanayaa , wuxuu ku leeyahay . “ kaalay aan salaada tukano” .
QOFKA SIDA DHABTA AH KUU JECEL: Aamusitaankaaga ayuu fahmayaa inta aadan hadlin ka hor , boqollaal sheeko ayuu kaaga sheekeynayaa si uu kuula sheekaysto. Wuxuu xiiseynayaa Codkaaga , Kaftankaaga, qosolkaaga, sheekadaada, wuxuuna kula fadhinayaa saacadooyin isaga oo u maleeyo daqiiqado !
QOFKA SIDA DHABTA AH KUU JECEL: Farxadaada waa farxadiisa marka aad faraxsantahay ayuu umaleynayaa adduunka oo dhan oo faraxsan . Murugtaadadan waa murugtiisa , dhibaatadaadana waa dhibaatadiisa .
QOFKA SIDA DHABTA AH KUU JECEL: si sahlan ku kala tegi maysaan . Haddii ay jirto boqol sababood oo aad ku kala tagi kartaan wuxuu raadiyaa hal sabab oo aad ku wada joogi kartaan . Ilintaada wuxuu umaleeyaa ilintiisa , marka aad ooysid ayuu umaleynayaa in adduunka oo dhan ay ooynayaan .
QOFKA SIDA DHABTA AH KUU JECEL: wanaaggaaga ayuu arkayaa marka aad xanaaqsantahay .
QOFKA SIDA DHABTA AH KUU JECEL: haddii aad wadan ka tagto oo aad safarto waxa uu u arkayaa in wadanka oo dhan ay safreen , Dadka oo dhan uma jeedo ilaa adiga .
QOFKA SIDA DHABTA AH KUU JECEL: wuxuu kaa fekerayaa adiga oo aan ogayn ! Jacaylkiina ayaa wax walba ka sareeya , waxwalba adiga ayuu kaa hormarinayaa .
QOFKA SIDA DHABTA AH KUU JECEL: Waxa uu ku siinayaa kalsooni , marka dadka oo dhan ay kaa tagaan ayaa isaga kula jooga , xaalad walba oo aad ku jirtid ayuu kuugu jecelyahay . Sharaftaada ayuu ilaalinayaa . Danahaaga ayuu ka fekerayaa .
Meelaha laga raadiyo xasiloonida kalgacalka una ah tusaale naxriista ayna ka mid tahay aayadaha Alle uu ragga iyo Dumarka isku leeyahay lammaane isku haboon oo noloshooda midba midka kle dhameestirayo waa guurka ku bilowda bilow wanaagsan iyo doorasho nafta raali ku noqota . Alle Qur’aankiisa , wuxuu ku leeyahay : “Guursada wixii idin wanaagsan” Nabiga SCW wuxuu leeyahay: “Lama arag laba is jecel wax ugu wanaag badan sida nikaaxa”. Taas waxaan ka fahmaynaa marka guurka ay ku bilaawato raali ahaansho iyo ka helitaan , in guurkaas uu noqonayo guur lagu waaro oona ku dhisan jaceyl . Jacaylkaas oo saldhig u ah farxad . Sida baaritaano badan oo la sameeyay guurka ayaa lagu ogaaday in guurka uu keeno farxad .
Doorashada lammaanaha waa doorasho kan ugu adag , sidaas awgeed waxaa muhiim ah inaad si fiican oo xeeldheer ugu fekertid qofka aad noloshaada la qaybsan lahayd , hab dhaqankiisa , shaqsiyadiisa , intaas waxay noloshaada u horseedi karaan farxad rayrayn iyo raaxo guur .
Ka jawaab su’aalahaan si aad u oggaatid gabadha / wiilka kugu habboon ee noloshaada !
1- Qof sidee ah ayaad rabtaa in aad guursatid ? ( Tilmaam ugu yaraan 5 sifood )
2- Qor dhamaan dabeecadaha aad ku dooranaysid ?
3- Waa maxay waxyaabaha muhiimka kuu ah ee aad ku dooraneysid ? Sida ( Diinta , Da’da lacagta , aqoonta , quruxda , sharafta iwm. )
4- Waa maxay waxyaabaha aad ka sugeyso qofka aad nolosha la wadaagaysid ? .
Isagoo muuqaal ah halkaa ka daawo👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇
0 Comments